Nafaqooyinka Uurka iyo Nuujinta: Waxyaabaha Muhiimka u ah Hooyada iyo Ilmaha

Waqtiga Uurka iyo naas-nuujintu waxay ka mid yihiin waqtiyada ugu muhiimsan nolosha haweeneyda—muhiim maahan kaliya caafimaadkeeda, laakiin sidoo kale waxay waxaa tixgalin mudan cafimadka iyo korriinka ilmaheeda. Inta lagu jiro waqtiyadan, jirku wuxuu u shaqeeyaa si ka badan sidii caadiga ahayd, baahida nafaqada wanaagsani waa ay kordhisaa in ka badan dadka cadiga ah. Helitaanka nafaqo ku filan waxay taageertaa uur caafimaad leh, waxay ka caawisaa soo kabashada ka dib dhalmada, waxayna cawisaa in caanaha naaska hooyada ay helaan wax kasta oo ubadka koraya u baahan yahay.

Halkan waxan ku tilmaamaya qayb ka mid nafaqooyinka lagama maarmaanka ah ee haweeney kasta oo uur leh iyo naas nuujiso ah ay tahy inay diiradda saaraan, oo ay la socdaan cuntooyinka dabiiciga ah ee laga helo nafaqoyinkas.

1.    Birta (Iron)

Birta (Iron) waa macdan (mineral) aad muhiim u ah jidhka bini’aadamka. Waxay ka mid tahay nafaqooyinka ugu muhiimsan ee haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya, sababtoo ah jidhku wuxuu u baahan yahay dhiig badan si uu u taageero koritaanka ilmaha iyo soo saarista caanaha naaska.

Birta ayaa qayb weyn ka qaadata samaynta Hemoglobin, taas oo ah walax ku jirta unugyada dhiigga cas (red blood cells) ee qaadda ogsijiinta kuna gaarsiisa dhammaan qaybaha jidhka, oo ay ku jiraan ilmaha uurka ku jira.

    
Xilliga Uurka


• Birtu waxay abuurtaa hemoglobin, kaas oo u qaada ogsijiinta hooyada iyo ilmaha soo koraya labadaba
• Kordhinta mugga dhiigga
• Kobcinta uurjiifka
• Waxay ka caawisaa ka hortagga daalka hooyada, dhiig-yarida, dhalmada ka hor, miisaanka dhalmada oo hooseeya, waxayna taageertaa nidaamka difaaca.
• Waxay dhistaa kayd si looga ilaaliyo luminta dhiigga xilliga dhalmada.

Xiliga Naas nujinta


• Waxay ka caawisaa hooyooyinka inay dib u dhisaan heerarka birta ka dib dhalmada, taasoo siinaysa tamar ay ku daryeelaan ilmaha.
• Birta ku jirta caanaha naaska waxay ka qayb qadata horumarka maskaxda ee ilmaha dhawrka bilood ee ugu horreeya.
• Waxay ka ilaalisaa hooyooyinka inay noqdaan kuwo daciif ah, taas oo keeni karta daal, isbeddel niyadda, iyo kordhinta khatarta sida niyad-jabka dhalmada ka dib.

Cuntooyinka laga helo birta (Iron)


• Xayawaanka (Heme Iron): Beer, Hilib cas, Digaag, Kalluun, Ukun.
• Dhirta (Non-Heme Iron): Digir, Misir, Koostada (Spinach), Qamadi dhan, Sisinta (Sesame), Lawska, Timir, Tufaax, Canbe.

2. Folic acid (fitamiin B9)


waa vitamin muhiim u ah hooyooyinka uurka leh iyo kuwa nuujinaya, isiga o mas’uul ka ah korriinka caafimaadka qaba ee ilamaha, ka hortagga cilladaha dhalmada ee halista ah, iyo ilaalinta caafimaadka hooyada xilliga uurka iyo dhalmada ka dib.


Muhiimadda Hooyooyinka Uurka leh:


• Folic acid waa muhiim, gaar ahaan dhawrka toddobaad ee ugu horreeya uurka, inta badan ka hor inta aanu qofku ogaan inay uur leeyihiin.
• Waxay ka hortagtaa cilladaha tuubada neerfaha (Prevents Neural Tube Defects (NTDs)).
• Falic acid Waxay lagama maarmaan u tahay qaybinta unugyada degdega ah, isku-dhafka DNA, iyo samaynta mandheerta.
• Qaadashada ku filan waxay yaraynaysaa halista dhiig-yarida, preeclampsia (cadaadis dhiig oo sarreeya), iyo dhiciska.

Muhiimadda ay u leedahay Hooyada nuujinaysa:


• Folic acid ayaa lagama maarmaan u ah xilliga naaska nujinta sababtoo ah jidhka hooyadu wuxuu sii wadaa inuu taageero horumarka ilmaha iyada oo loo marayo caanaha naaska.
• Folic acid waxa la sii maraa caanaha naaska si ay u taageerto korriinka ilmaha.
• Waxay ka qayb qadataa kaydka hooyada: Naasnuujintu waxay yarayn kartaa heerarka folate-ka hooyada, taasoo ka dhigaysa kabitaan lama huraan ah si loo ilaaliyo caafimaadka hooyada iyo tamarta lafteeda.


3. Kaalshiyamka (Calcium)


Kaalshiyamtu waa nafaqo muhiim ah oo lagama maarmaan u ah haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya, maadaama uu taageero horumarka lafaha ilmaha isla markaana ilaaliyo caafimaadka lafaha hooyada. Ilaha ugu wanaagsan ee kalsiyumka waxaa ka mid ah caanaha iyo waxyabah laga sameeyo (caano, caano fadhi, farmaajo), caleenta cagaarkan (kale, broccoli, bok choy) iyo kalluunka.



Muhiimadda Haweenka Uurka Leh:


• Yaraynta Halista Preeclampsia (Cadaadis Dhiig Sare Uurka Dhexdiisa)
• Ilaalinta Caafimaadka Lafaha Hooyada

• Yaraynta Halista Dhalashada Hore ( Premature Birth):
Daraasado ayaa muujinaya in cunista kaalshiyamka ku filan ay ka caawiso yaraynta halista dhalashada ka hor waqtigeeda.

Muhiimadda Haweenka Nuujinaya


• Dib-u-dhiska Cufnaanta Lafaha
• Ilaalinta Tayada Caanaha







Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top